Somali News

Qarax ay askar ku dhinteen oo ka dhacay Shabeelada Dhexe

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay  deegaanka Qalimoow ee gobalka shabeellada dhexe.

Goobjoogayaal ayaa KNN  u sheegay in goobta uu qaraxa ka dhacay aheyd  meel maqaayad ah, waxaana halkaasi inta badan ka cunteeya askar iyo dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay 2 Askari ayaa ku geeriyooday, halka afar askari oo kalana ay ku dhaawacmeen

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan dadkii ku dhaawacmay qaraxa loo qaaday isbitaalada ku yaala degmada Balcad ee gobolka shabeeladda dhexe.

Ciidamada ammaanka ayaa baaritaano ka wada goobta uu qaraxa ka dhacay.