Somali News

Qarax ay dad ay ku dhinteen oo ka dhacay caasimada dalka Afghanistan.

Muqdisho-KNN-Qarax xoogan ayaa gil gilay caasimada dalka Afghanistan, iyadoona lasoo warinayo qasaaro xoogan oo ka dhashay weerarka oo ka dhacay meel u dhaw safaaradda ay dowladda Mareykanka ku leedahay halkaasi.

Afhayeenka wasaaradda arimaha gudaha Nasrat Rahimi ayaa sheegay in qaraxa oo loo adeegsaday gaari uu ka dhacay wado mashquul badan.

“Gawaarida ambalaasta iyo kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa goobta u cararay markii uu qaraxu dhacay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka.

Sadax dhimasho ah iyo 30 ruux oo dhaawac ah ayaa lasheegay in lageeyay meel u dhaw isbitaalka Mohammad Akbar Khan sida uu sheegay madaxa isbitaalkaasi Gul Ahmad Ayubi.

Kooxda Taliban aya sheegatay masuuliyadda weerarka.

Weerar kale oo ismiidaamin ahaa oo habeenkii Isniinta ka dhacay bariga caasimadda Kabul ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 16 ruux halka in kabadan 100 ruux oo dadka deegaanka ahna ay sidoo kale ku dhaawacmeen.