Uncategorized

Qarax ay dad badan ku waxyeeloobeen oo ka dhacay warshad ku taala Shiinaha.

China-KNN-Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 5 ruux ayaa ku naf waayay Sodomeeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay warshad ku taala bariga dalka Shiinaha.

Wararku waxay sheegayaan in kooxaha gurmadka ay ku hawlanyihiin u gurmashada dad ku hoos jira dhismaha warshada oo qaraxu bur buriyay.

Warshadda qaraxu ka dhex dhacay oo ku taala magaalo la yiraahdo Jiyaangibee ee bariga Shiinaha waxaa xilliga qaraxu dhacayay ku sugnaa inta badan shaqaalaha warshadda.

Warar laga helayo xarumaha caafimaadka ayaa sheegaya in 30 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan ayaa la geeyay isbitaaladda.

Dawlada Shiinuhu ma sheegin waxa sababay qaraxaan hase ahaatee qaraxyada noocaan oo kale ah oo loo aaneeyo cilado dhanka korontada ah aad bay ugu badan yihiin dalka Shiinaha.

Sanadkii hore marka loo eeganaya shilalalka noocaan oo kale ah hoos bay u dhaceen 25%.