Muqdisho-KNN-Mid kamid ah jaamacada ku yaalo magaalada Bejing ee caasimadda dalka Shiinaha ayaa waxaa ku dhintay sadax arday kadib markii uu qarxay mid kamid ah mashiin ay tijaabo ku sameenayeen.
Ardayda qaraxa ku dhimatay ayaa ku sugnaa qol kamid ah jaamacadda halkaasi oo ay ka wadeen tijaabooyin cilmiyeesan oo ay ku sameenayeen habka dib loogu isticmaali karo biyaha wasaqeesan .
Madaxda jaamacadda ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhashay mid kamid ah matooradii ay ardayda ku sameenayeen tijaabada taas oo sababtay dhimashada sadaxda arday.
Masuuliyiinta dowlada shiinaha ayaa sheegaya in ay baaritaano ku hayaan sababaha rasmiga ah ee ka danbeeyay qaraxa ay ardayda ku dhinteen.