Somali News

Qarax ay dad shacab ah ku dhaawacmeen oo ka dhacay Awdheegle.

Awdheegle-KNN-Wararka Naga soo gaaraya  Degmada Awdheegle  ee gobolka Shabeellada Hoose  ayaa sheegaya in maanta halkaasi  ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 4 qof oo shacab ah,  kadib markii  qarax miino uu ka dhacay degmadaasi.

Dadkan  ayaa xilliga uu qaraxa dhacayay  waxa ay ku guda jireen ololo nadaafadeed oo degmadaasi ka socday.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa durbadiiba gaaray halka uu ka dhacay qaraxaasi miino.

Ma jiraan faahfaahin intaasi ka badan oo laga helayo qaraxa.

Awdheegle ayaa ka mid ah degmooyin dhawaan ciidamada  Xoogga dalka Soomaaliya  ay Al-shababab kala wareegeen.