Uncategorized

Qarax ay diyaarinayee Al Shabaab oo iyaga ku qarxay

Waraka caawa laga helaayo Degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in uu halkasi ka dhacay qarax xoogan oo laga maqlay guud ahaan xafadaha magaalada.

Qaraxa ka dhacay degmada Jilib ayaa la sheegayaa in ay halkaa ku diyarinayeen Alshabaab isla markaana uu ku qarxay ragii diyarinayay qaraxa.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa la sheegay in ay ku suganaayeen saraakiil ka tirsan Alshabab uuna qasaro ka so garay qaraxa.

Tv-ga maamulka Jubbaland ayaa bahiyay sawirro ay ku shegeen qaraxa ka dhacay degmada Jilib ee gobolka jubada dhexe.

Marka laga yumaado in qaraxa uu dhacay ma jiro war intaas dhaafsiisan oo sheegaya axdiga uu la eg yahay khasaaraha.