Uncategorized

Qarax ay ku dhinteen Askar ka tirsan ciidanka Dowlada oo ka dhacay Degmada Deyniile.

Muqdisho-KNN-Qarax khasaaro badan  dhaliyey ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay Xaafada Odweyne oo ka tirsan degmada deyniile ee Gobolka Banaadir,iyadoona la sheegay in qaraxaasi uu ahaa Mid loogu xiray ciidamada aruurinayay Canshuurta guryaha la dhisayo.

Dadka degaanka ayaa KNN u Sheegay in ay arkayeen Qaraxa kadib Qiiq iyo uuro hawada is qabsatay,Waxaa ayna tilmaameen in qarax lala eegtay gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Qaraxa ayaa waxaa la sheegay  uu ka dhacay meel  lagu magacaabo (Kala wareegga) oo ay kusoo kala wareegaan Gawaarida ka dhex shaqeeya Oodweyne iyo Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

Inta la xaqiijiyay Qaraxa waxaa ku dhintay 2 askari oo tirsan ciidanka dowlada,iyadoona qof shacabka  uu ku dhaawacmay qaraxaasi Miino.

Intaa kadib Waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka Soomaaliya,iyadoona Durbadiiba Halkaasi ka bilaabay Baaritaano lagu xaqiijinayo Amaanka.

Gaadiidka gurmadka ayaa markaasi bilaabay sidii loo qaadi lahaa dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi lala eegtay askartan ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa Maalmihii dambe waxaa ka dhacayay Qaraxyo gaari lagu soo raray lala eeganayay xarumaha ay ku sugan yihiin askarta ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya,iyadoona Shalay uu qarax xoogan uu ka dhacay Meel aan sidaasi ugu fogeyn Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya,gaar ahaan Isgooska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.