Boosaaso-KNN-Kooxo hubeysan ayaa weerar Bambaano ku qaaday Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ay ku leedahay Xarunta Ganacsi Puntland ee Boosaaso.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi uu ka dhacay Qarax kaas oo dhawaaqiisa laga maqlay meelo badan oo magaalada ka tirsan cabsi badana shacabka ku abuuray.
Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta ku sugan Magaalada Boosaaso Qaraxa ayaa ahaa Bambo Gacmeed lagu Weeraray Xarunta Shirkadda Somtel ee Boosaaso.
ilaa hada lama soo sheegin dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxaasi, boosaaso ayaa waxaa ku soo batay dilalka iyo qaraxyada ka dhacaya.