Muqdisho-KNN-Qarax Miino oo khasaaro geystay ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay deegaan hoostaga degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud.
Deegaanka Balli-cad ayaa la sheegay in qarax uu ka dhacay, islamarkaana qaraxa waxaa ku geeryooday labo qof oo walaalo ah, kuwaasi oo lagu kala magacaabi jiray Farxiyo Maxamuud Mire, oo 15 sano jir ah iyo Shaafici Maxamuud Mire oo isna 13 Sano jir ah.
Dadka Deegaanka ayaa Sheegay in caruurta ay hooyadooda u soo dirsatay in biyo ay ka soo dhaamiyaan Deegaanka Balli-Cad, inkastoo geed hoostiisa ay caruurta ku ciyaarayeen, iyadoona intaa kadib uu qarax ka dhacay.
Miinada Qaraxday ayaa loo maleynayaa in waqti hore halkaasi lagu aasay, waxaana deegaankaasi uu ahaa goob dhawr jeer ay isku fara saareen Dadka reer guuraaga ee Dagaalka daaqsinta ka dhashaa uu ku dhex maray aagaasi in Mudda ah.


