Balcad-KNN-Wararka laga helayo degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe ayaa soo sheegaya Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya Qarax Miino ku haleelay duleedka degmadaasi.
Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Haan-sheekh ee duleedka Balcad waxaana la soo sheegaya inuu ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidamadii Gaariga saarnaa.
Ugu yaraan 3 Askari ayaa ku dhintay waxaana ku dhaawacmay tiro kale uu ka mid yahay Sarkaalkii Ciidanka Watay sida ay noo sheegeen saraakiil kale.
Saraakiisha degmada Balcad ayaa KNN u sheegay in qaraxa uu ka dhacay Haan-sheek Islamarkaana ay faah faahin ka bixin doonaan markii ay helaan xog dhameestiran.
Haan-sheek waa deegaan ay ku dhinteen masuuliyiin iyo Ciidan badan oo ka tirsan HirShabeelle, sidoo kale waxaa ku dhintay weerar ka dhacay Ciidamo ka tirsan Dalka Burundi oo ka mid ah Howlgalka AMISOM.