Somali News

Qarax Gaari loogu xiray qofkii watay oo ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Waxaa goor-dhaw Qarax Gaarigiisa loogu xiray qofkii watay uu ka dhacay degmada Hodan ee gobalka Banaadir waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaare dhaawacyo ah oo ka dhashay.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Xaaji Baasto ee degmada Hodan, una dhow Jidka Maka Al-Makarama, waxaana la sheegay in gaariga qarxay uu ahaa nuuca raaxada ah.

Wararka ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhaawacmay oo ahaa ninkii gaariga waday, waxaana jira in qof kale uu ku dhaawacmay oo ka ag dhawaa.

Lama oga waxa uu qaban jiray qofkaan Gaarigiisa loogu xiray qaraxa ee ka dhacay degmada Hodan ee gobalka Banaadir.