Uncategorized

Qarax gaari oo ka dhacay degmada wadajir.

Muqdisho-KNN-Qaraxa galabta ka dhacay degmada Wadajir ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay xaafada xaawa-taako ee degmadasi waxaana qaraxa oo ahaa mid gaariga loogu xiray shaqsigii watay ku dhintay hal qof halka sagaal kale ay ku dhaawac meen.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay KNN u sheegeen in qofka leh islamarkaana saarna gaariga qarxay uu ahaa shacab islamarkana uu soo gaaray dhaawac culus.

Sidoo kale shaqaale dhismo oo ka dhawaa halka uu gariga ku qarxay aya mid kamid ah ku geeriyooday iyadoo sided kale na ay ku dhaawac meen .

Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo hada laga hayo maamulka degmada wadajir kaas ay uga hadlayaan qaraxa qasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay degmada.