Qarax ayaa hada waxa uu ka dhacay isgoyska Saydka meel ay ciidamadu ku baaaraan Gawaarida,waxana jira qasaaro ka dhashay Qaraxa inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.
Qaraxa ayaa ahaa mid xoogan oo laga maqlay dhawaqiisa qeybo ka mid ah Magaladda Muqdisho waxanaa haatan socda Gurmad loo fidanayo dadka ay wax yeeladda ka soo gaartay Qaraxa.
Gawaarida gurmadka Deg dega ah ayaa haatan ka jawaab celinaya sidii wax loogu qaban lahaa dadka waxyeeladu ay soo gaartay.
inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku geeriyootay oo mid ka mid ah uu yahay Askari halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen Qaraxa oo ahaa Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay sida la sheegay.
Faafaahin intaa ka badan kala soco halkaan.