Somali News

Qarax goor dhaw ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Qarax xoog leh ayaa goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka isgoyska Baar-Ayaan ee degmada Warta-nabadda.

Si gaar ah wararku waxa ay sheegayaan in qaraxu uu ka dhacay xaro ay ciidamada miliretiga Soomaaliya qeybtooda 27-aad ku leeyihiin dhabarka dambe ee garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaas loo adeegsaday gaari laga oo buuxiya waxyaabaha qarxa, waxaana jira khasaare ka dhashay, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiiji karin inta uu dhanyahay.

Wixii ka soo kordha kala soco KNN.