Uncategorized

Qarax goor-dhaw ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Laba ruux ayaa dhaawac ka soo gaaray qarax loogu xiray gaari ay wateen oo marayay Xaafada taleex degmada Hodan ee gobolkaan Banaadir.

Dad goob joogayaal ah oo lahadlay KNN ayaa sheegay in uu qarxay gaari ay wateen laba ruux oo marayay xaafada taleex kuwaas oo dhaawac uu soo gaaray gaarigiine uu bur-buray.

Ciidamada amaanka oo goobta soo gaaray waxay xaqiijiyeen in qarxaan nuuciisa uu ahaa midka dhajiska ah, Waxaa kaloo ciidamada ay tilmaameyn in ay baari doonaan shaqsiga qaraxa gaarigiisa loogu xiray.