Uncategorized

Qarax goor dhow ka dhacay deegaanka Kal-kaal ee duleedka magaalada Muqdisho

Muqdisho-KNN-Wararka nasoo gaaraya degmada Kaxda gaar ahaana Xaafadda Kal-kaal ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari nuuca raaxada ah uu ku qarxay gudaha xaafadaasi Kalkaal ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Gaarigaan ayaa intii uusan Qarxin ka hor mudo dhexyaalay waddo Xaafadaasi marta ka dib markii gaarigu bacaad uu ka galay ragii watay gaarigaasi oo laba ruux ahaa, oo mid ka mid ahi goobta uu ka baxsday, halka midkii kalana uu ku qarxay gaarigaasi, oo ay daba joogeen ciidamada amaanka sida dadka deegaanka ay noo xaqiijiyeen.

Wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka halkaas ay ka wadaan baaritaano ku aadan mid ka mid ah raggii Gaari Qarxay watay oo baxsaday goobtana aan  ka dheereen, oo la sheegay in ciidamada ay ku raad joogaan.

Maamulka degmada Kaxda iyo laamaha amniga ee degmada ayaa weli ka hadlin dhacdadaani, mana jiraan xog intaas dhaafsiisan oo laga helaayo Qaraxaan