Uncategorized

Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada muqdisho.

Wararka KNN ay heleyso ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay Bar koontarool oo ciidamo ka tirsan NISA ay leeyihiin wada aada Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay ku baaraan Gaadiidka aada Garoonka.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari wax yaabaha Qarxa laga soo buuxiyay sida wararka qaar ay tilmaamayaan, Qiic iyo uuro ayaa cirka isku shareeray oo meelo fog fog la arkayay.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah iyo dad shacab ah ayaa goobta gaaray si gurmad ay ugu fidiyaan dadka qaraxaai wax yeelada ay ka soo gaartay.

Dad la hadlay Idaacada Kulmiye waxay sheegeyn in kharaaso uu ka dhashay Qaraxaasi laakiin aysan caddeyn Karin inta uu la egyahay khasaaraha.

La soco wixii warar ee ku soo kordha.