Somali News

Qarax goordhow ka dhacay deegaanka Lafoole.

Wararka  ka imaanaya deegaanka Lafoole ee gobolka shabeellada Hoose  ayaa sheegaya in qarax xooggan uu goordhow ka dhacay halkaasi.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in qarax  lala beegsaday kontorool ay ku sugnaayeen Ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu si gaar ah kaga dhacay halka loo yaqaano Shanta Golaha Sare ee degaanka Lafoole.

in la xaqiijiyay 1 qof ayaa ku geeriyooday, halka labo kalana ay ku dhaawacmeen, sida uu KNN u sheegay Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada ee gobolka shabeellada Hoose.