Muqdisho-KNN-Qaraxa khasaaro geystay ayaa Goordhow waxaa uu ka dhacay isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa gaari Goob la dhigay, islamarkaana waxaa la dhigay Maqaayada Barwaaqo oo ku taalla kasoo horjeedka Saldhiga degmada Waaberi,waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dad Shacab ah soo gaaray.
Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in qaraxa ay Ku dhinteen 5 qof, halka tiro intaa ka badana ay Ku dhawaacmeen
Gaadiidka gurmadka ayaa hada waxaa ay daabuleynayaan dadkii wax Ku soo gaaray qaraxa.
Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xiray wadooyinka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay.
Wixii Ku soo kordha la soco