Somali News

Qarax goordhow ka dhacay Muqdisho

DEG DEG:-Qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa ayaa goordhow isku qarxiyay Saldhigga Booliska ee degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in ciidamada ammaanka ay xireen goobta uu qaraxa ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in qof isku soo Xiray Walxaha Qarxa uu jaakadii qaraxa ku Xirneed ku tuuray meel udhaw Saldhiga Booliska ee Dagmada Xamar weyne.

Khasaara ayaa jira balse wali lama haayo inta uu la egyahay.


Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya