Somali News

Qarax goordhow ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay qarxiyeen gaari lagu soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasi oo la dhigay agagaarka Isgoyska Digfeer ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in ciidamada booliska Soomaaliya ay dadka shacabka ah ku wargeliyeen in ay ka fogaadaan goobta uu yaalo qaraxa.

Gaariga la qarxiyay ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa baraado madow ah, waxaa uuna doonaayay In uu ka soo Talaabo wado  ku taal halkaasi oo ciid lagu jaray.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Wixii ku soo kordha la soco