Muqdisho-KNN-Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay in kabadana waa ay ku dhaawacmayn qarax maanta haleelay Gaari ay saarnaayeen Shaqaale ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud.
Mas”uuliyiin ka tirsan Shirkadda Hormuud ayaa KNN u sheegay in qaraxa oo ka dhacay deegaanka KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho uu haleelay Gaari nuuca raaxada ah oo ay saarnaayeen Shaqaale ka tirsan Hormuud.
Waxyar ka hor inta uusan qaraxa dhicin ayaa waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay ka gudbay Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.
Deegaanada ku yaala duleedka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku badnaa qaraxyada qaraxyada dhulka la geliyo ee meelaha fog laga hago.