Balcad-KNN-Wararka ka imaanaya deegaanka la yirahdo Haan-shiikh oo duleedka ka ah dagmada Balcad ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay Qarax miino, kaas oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso waxaana ay ku qaraxday gaari dad shacab ah ay leeyihiin sida ay noo sheegeen dad ku sugan dagmada Balcad.
Gaariga uu qaraxa qabsaday oo ay saarnaayeen kaliya darawalka iyo caawiyiisa “Kirishbaay”ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay darawalkii gaariga halka kirishbooyga uu dhaawac culus kasoo gaaray waxaana dhaawiciisa loosoo qaaday magaalada muqdisho ee caasimada somaliya.
Qof ka mid ah dad ku dhaqan dagmada balcad ayaa idaacada kulmiye u sheegay in gaariga qaraxa haleelay oo ahaa nooca loo yaqaano dheyno uu dhuxul ka doonayay deegaan duleedka ka ah dagmada balcad ee gobolka sh dhexe.
Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka helnay deegaanka haan sheikh ayaa sheegaya in halkaas ay tageen ciidamo ka tirsan dowlada somaliya oo ka baxay dagmada balcad kuwaas oo hada howl galo ka wada deegaanka iyo meelaha ku dhaw dhaw.
Deegaanka haan sheikh waxaa inta badan ka dhaca weeraro iyo qaraxyo ay geystaan dagaalamayaasha al shabaab kuwaas oo bartilmaameedsada ciidamada dowlada ee isticmaalaya wadada xiriirisa balcad iyo jowhar.