Uncategorized

Qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN-Wararka ka imaanaya magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in goor dhow magaaladaas uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday ciidamada isku dhafka ah ee Puntland iyo Galmudug ee ka howlgala magaaladaasi.

Qaraxaasi ismiidaaminta ah inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday Askar badan iyo taliyihii ciidamadaasi hogaaminaayay.

Waxaa magaalada Gaalkacyo ka soconaya gurmad deg deg ah oo loo fidinayo dadkii wax yeelada ka soo gaartay qaraxaasi ismiidaaminta ah.

Dadka deegaanka oo la hadlay KNN waxay tilmaameyn in qaraxa uu haa mid xoogan dhawaqiisana laga maqlayay meelo fog fog.

Waxaa jira dhaawac iyo dhimasho qaraxaas ka dhashay inkastoo aan la xaqiijin Karin inta uu la egyahay khasaaraha dhabta ee jira.

Lasoco wixii ka soo kordha.