Barnaamijyo Faalooyin Keydka Sawiradda News in English Sports Tafsiir

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Muqdisho-KNN-Qof la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidan Cusub oo lagu tababarayo Xabsiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa Duhurkii maanta isku qarxiyay Xabsiga dhexe ee Xamar sida ay xaqiijiyeen Laamaha amaanka.

Qaraxan oo dhacay markii ay soo dhaweyd Tukashada Salaadii Jimcaha ee maanta ayaa si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Qaraxa Ismiidaaminta ah halka lala damacsanaa wararka qaar ayaa sheegaya in lala damacsanaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo halkaasi ku sugnaa, waxaana la sheegay in ninka is qarxiyay uu isku dayay in uu ku soo dhawaado Taliyaha Balse Askari ka mid ah Istaafkiisa ayaa ka hor Istaagay kadibna uu halkaasi ku qarxay iyadoo qasaaro uu ka dhashay.

Warar kale ayaa in Naftiis haligaha uu  doonayay in uu isku Qarxiyo gudaha Masjid ku yaalla halkaasi, balse markii Ciidamada ay celiyeen uu ku Qarxay Masjidka hortiisa.

Masjidka iridkiisa uu Qaraxa ka dhacay ayaa inta badan waxaa ku tukada Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Inta la xaqiijiyay Qaraxaasi waxaa ku geeriyootay Laba Qof oo kala ah ninkii is Qarxiyay iyo waliba Askarigii hor istaagay Ismiidaamiyaha.