Uncategorized

Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.

Muqdisho-KNN-Telefishinka Al-Jaziirada ayaa baahiyay in qaraxyo Ismiidaamin ah ay ka dhaceen Koofurta Magaalada Gaza ee dhulka reer falastiin kuwaas oo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in Hal Qof oo ka ka mid ah Ciidamada Xamaas ayaa ku geeriyooday iyada oo saraakiil sar sare oo ka tirsan Maamulka Xamaas ay ku dhaawacmeen kaddib markii uu Qarax ismiidaamin ah ka dhacay Koofurta Magaalada Gaza.

Labo Qof oo isa soo miidaamiyay ayaa midkood ku qarxay bar koontarool oo laga galo Magaalada Gaza,halka midka kalena la toogtay,waxaana qofka qarxay uu galaaftay Askari ka mid ah Ciidamada Xamaas oo koontaroolka joogay iyo dhaawaca saraakiil kale.

Askariga dhintay ayaa lagu magacaabaa Nidal al-Jaafari, waxaana uu ahaa 28 jir,kaas oo ku dhintay Isbitaalka Magaalada Gaza oo dhaawac ahaan loo geeyay sida laga soo xigtay Saraakiisha Caafimaadka.