Uncategorized

Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowlada oo marayay Afgooye

Afgooye-KNN-Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya islamarkaana uu tababaray Mareykanka ayaa qarax ismiidaamin ah lagula beegsaday koontaroolka Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose kuwaas oo sida la sheegay ka yimid dhanka Garoonka Balli doogle halkaas oo fadhiisimo ay ku leeyihiin.

Qof naftii hura ah oo watay Gaari wax yaabaha qaraxa laga buuxiyay ayaa ciidamada la beegsaday Qaraxaasi.

Qaraxaan lala beegsay ciidamadaan ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro xoog leh oo gaaray ciidamadii qaraxa lala beegsaday iyo dad shacab ah inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin Karin inta uu la egyahay khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Qaraxaasi.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay mas`uuliya qaraxaasi goor dhow lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowlada.

Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga bixiyay qaraxaasi, mana jiraan marka laga dagaalameyaasha Al-shabaab cid kale oo wali ka hadashay qaraxaasi.

 lasoco wixii ka soo kordha.