Somali News

Qarax ka dhacay Boosaaso.

Boosaaso-KNN-Wararka naga soo gaaraya  Gobalka bari ayaa sheegaya qarax xoogan uu maanta ka dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso.

Qaraxa ayaa ka dhacay xarunta bankiga dhexe ee magaalada Boosaaso, iyadoona halkaasi ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Dadka deegaanka ayaa sheeagay in qaraxa xoogeysa laga maqlay xaafadaha magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Ma jiraan ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ciidamada amaanka ee Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.