Somali News

Qarax ka dhacay dalka Mexico.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 21 ruux ayaa dhimatay halka 71 kalana ay dhaawacmeen kadib markii qarax ka dhashay mid kamid ah dhuumaha Shidaalka uu ka dhacay dalka Mexico.

Gudoomiyaha gobolka Hidgo Omar Fayad ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay mid kamid dhuumaha shidaalka oo ay adeegsanyeen kooxa tuuga ah oo xatooya ku sameeya shidaalka dalka.  

Sawiro laga baahiyay Tv’ga qaranka dalka Mexico ayaa muujinayay qiic xoogan oo cirka isku shareeray kadib markii uu qaraxu dhacay.

Qaraxan oo noqonaya mid kamid ah kuwii ugu xumaa ee ka dhaca dalka Mexico ayaa madaxwaynaha cusub ee dalkaasi waxa uu dalbaday in caawinaad deg deg ah loo fidiyo dadkii ku waxyeeloobay qaraxa.