Somali News

Qarax ka dhacay deegaan hoos taga gobolka Gedo

Muqdisho-KNN-Wararka aan ka helayno ayaa waxa ay sheegayaan in qarax xooggan uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Mekarebay oo hoos taga magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay gaari ay Al-Shabaab ka soo buuxiyeen walxaha qarxa, isla markaasina uu qarxay.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan, in qaraxaasi uu ka dhashay khasaare kala duwan, kaas oo soo gaaray Al-Shabaab,inkasta oo aan la ogayn inta uu gaarsiisan yahay.

Deegaankan ayaa waxaa la sheegay in gacan ku hayntiisa ay marba marka ka dambeysa ay isku badalaan, dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Ciidamada Dawlada Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo.