Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya degaanka xaawo cabdi ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Qarax miino maanta lala beegsaday Masuuliyiin ka tirsan maamulka koofur galbeed oo marayay degaankaasi.
Masuuliyiintan la qarxiyay ayaa waxaa la sheegay in ay ka baxeen magaalada muqdisho,islamarkaana ay ku sii jeedeen degmada afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose,waxaana masuuliyiintaasi ay isugu jiraan xildhibaan ka tirsan koofur galbeed iyo Taliyaha saldhiga degmada afgooye.
Gudoomiye ku xigeenka Lafoole ayaa KNN u sheegay in gaari ay la socdeen masuuliyiinta lala beegsaday qaraxa ,islamarkaana uusan sheegi Karin khasaaraha ka dhashay.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.