Somali News

Qarax ka dhacay dhisme ku yaalla Sweden oo khasaare badan sababay.

Gothenburg-KNN-Warar ayaa sheegaya in Booliska Sweden ay baarayaan  fal dambiyeed uu ka dambeeyay qarax ka dhacay dhisme dabaq ah oo ay si xun ugu dhaawacmeen afar qof.

Sidoo kale Qiyaastii 100 qof oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa la daadgureeyay, 16 ayaa la geeyay isbitaal kadib markii qaraxu sababay dab ka kacay dhismaha magaalada Gothenburg ee Sweden.

Laamaha amaaanka yaa sheegay inay tuhunsan yihiin in qaraxa subaxdii hore si ula kac ah loo bilaabay.

“Waa wax iska cad inaan dambi la aqbali karin,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha, Mikael Damberg oo shir jaraa’id qabtay.

Warar aan la xaqiijin oo laga helayo warbaahinta Sweden, ayaa sheegaya in mid ka mid ah dadka deggan dhismaha dabaqa uu yahay sarkaal boolis ah oo dhowaan ka marag kacay burkacad maxkamad la soo taagay.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaare Stefan Lofven, oo ka barbar hadlayay Mr Damberg, ayaa sheegay in uusan dooneyn in uu “ka mala sheego” qaraxa, laakiin waxa uu raaciyay: “Qof walba waa in uu ogaadaa in bulshada mar walba ay ka adag tahay dambiyada dhaca.”

Dalka Sweden, waxaa sanadihii ugu dambeeyay ku soo badanayay dambiyada la xiriira kooxaha burcadda, iyadoo hubka iyo waxyaabaha qarxa loo adeegsado in lagu fuliyo dhibaatooyin.