Uncategorized

Qarax ka dhacay dhoobleey.

Dhoobleey-KNN-Wararka ka imaanaya degmada Dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose ayaa soo sheegaya in qarax miino uu haleelay Gaari ay la socdeen Ciidamada Jubbaland.

Goob joogayaal ayaa KNN u sheegay in ugu yaraan 5 qof ay ku dhintayn in kabadan tiradaasna ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay duleedka degmada waxaana la sheegay inuu bur buray Gaarigii ay saarnaayeen Ciidamada Jubbaland.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha degmada Dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose.