Muqdisho-KNN-Wararka Naga Soo gaaraya degmada Dhoobley ee gobalka Jubada hoose ayaa sheegaya in qarax maanta lala eegtay ciidamo ka tirsan Kenya oo marayay deegaan lagu magacaabo Taabto.
Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Gaari xamuul ah oo ay la socdeen kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya ku safrayay degaanka Taabto ee duleedka Degmada Dhoobley ee Gobalka Jubada Hoose.
Wararka Qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in khasaaro uu ka dhashay qaraxaasi, inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxaasi.
Dadka degaanka ayaa KNN u Sheegay in Qarax xoogan ay maqleen ,islamarkaana ay arkeen kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya oo qaraxa lala eegtay.
War qoraal ah oo ay soo saareen Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in qaraxa ay la beegsadeen ciidamo ka tirsan Kenya oo Marayay degaanka Taabto ee degmada Dhoobley ee Gobalka Jubada Hoose.
Al-Shabaab ma sheegin Khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi.