Somali News

Qarax goordhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Warar hor dhac ayaa laga helayaa qarax goordhow ka dhacay wadada Cabdiqaasin degmada Hodan ee gobolkaBanaadir.

Qaraxaas oo noociisa lagu sheegay miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa lala beegsaday gaari ciidan oo wadadaas ku socday.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in qaraxaasi uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn inta uu dhanyahay khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaas ka dhashay.

Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxayna xireen wadada.

Wixii kasoo kordha kala soco KNN.