Muqdisho-KNN-Qarax xoog leh ayaa xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho kaas oo Sababay dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa ayaa ka dhacay lagu diyaarinayay oo ku yaala Xaafada Nagayle ee degmada karaan waxaana ku dhintay Ninkii diyaarinayay iyo Gabar yar uu dhalay waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Xaaskiisa.
Maamulka Banaadir ayaa Idaacada kulmiye u xaqiijiyay arintaan iyo dhimashada ka dhalatay.
Afayeenka Gobalka Banaadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay warbaahinta ay la hadli doonan islamarkaana la soo bandhigi doono xog kale oo dheeraad ah oo halkaas laga helay.