Muqdisho-KNN-Qarax xooggan ayaa saakay ka dhacay Ex Koontarool Afgooye ee dhanka koofureed ee magaalada Muqdisho, sida ay KNN u sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Gaari NOHA ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu qarxay koontorool ay ciidamada amniga ku leeyihiin isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho,kadib markii ay rasaaseeyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ka shakiyay.
Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday Darawalkii Gaariga, Askari ka tirsan Ciidamada Booliska iyo mid ka mid ah raggii saarnaa Gaariga oo saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska ay sheegeen in la toogtay halka mid kale oo la socday ay ciidamada ku raadjoogaan,kadib markii uu baxsaday.
Weriyaasha KNN ayaa soo sheegaya in ciidamada amaanka ay xireen wadooyinka soo gala isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.



