Somali News

Qarax ka dhacay magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxyo saaka laga maqlay magaalada Ankara ee Caasimada dalkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in qof isa soo miidaamiyay uu isku ku qarxiyay afaafka hore ee dhismaha wasaaradda arrimaha gudaha Turkiga, halkaas oo ay ku dhaawacmeen laba askari oo booliis ah.

Wasiirka ayaa sheegay weerarka soo qaadeen laba nin oo aan heybtooda la garanin.

Goobta ay wax ka dhaceen ayaa sidoo kale u dhow Baarlamaanka Turkiga oo la filayay in maanta dib loo furo Fasax dheer ka dib.

Dhammaan xildhibaannada, oo uu ku jiro madaxweynaha Recep Tayyip Erdogan, ayaa la filayay in ay soo xaadiraan Baarlamaanka.