Uncategorized

Qarax ka dhacay magaalada Baydhabo.

Baydhaba-KNN-Qarax miino oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka baay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof tiro kalane dhaawacyo ayaa ka soo gaaray.

Afayeenka maamulka koonfur Galbeed Nuuradiin Abuukar ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in qof dumar ah ay geeriyootay qof kalane ay ku dhaawacantay qaraxa oo ka dhacay maqaayad ku taala meel lagu baaro Gaadiidka soo gala magaalada.

Xaaladda qofka dhaawaca ah ayaa la sheegay in ay wanaagsan tahay, magaalada Baydhabo ayaa ka mid ah magaalooyinka aan ku badneen qaraxyada kadib markii ay Ciidamada xoojiyeen amaanka gobalka tan iyo qaraxyadii waa weynaa ee magaalada ka dhacay sanadihii la soo dhaafay.