Somali News

Qarax ka dhacay Maxaas.

Maxaas-KNN-Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax xoogan uu  halkaasi ka dhacay, iyadoona la sheegay in qarax lala beegsaday saraakiil ka kala tirsan itoobiya.

Dhawaaqa qaraxa ayaa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Maxaas iyo deegaanada Hoostaga degmadaasi.

Wararka lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya inKhasaaro uu soo gaaray ciidamada itoobiya iyo qaar ka mid ah shacabkii goobta ka dhawaa.

Masuuliyadda qaraxa  ka dhacay degmada Maxaas ayaa waxaa sheegtay Al-shabaab waxaana ay sheegeen in 6 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ay ku dileen.