Muqdisho-KNN-Qarax lagu xiray gaari uu watay shaqaale ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa galabta waxaa uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.
Qofka gaarigiisa qaraxa loogu xiray ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa shaqaalaha Wasaarada Boostada ee Xukuumadda Soomaaliya.
Shaqsiga qaraxa looga xiray gaarigiisa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Xowki Jaamac, sida ay KNN u sheegeen Ilo madax banaan.
Inta la xaqiijiyay qofka gaariga watay ayaa ku dhintay, halka labo kalana ay ku dhaawacmeen.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Booliska Soomaaliya.


