Somali News

Qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Qarax culus ayaa maanta waxaa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir,waxaana la sheegay in uu ka dhacay nawaaxiga  kulliyadda Jaalle Siyaad ee Magalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid gaari loo adeegsaday, islamarkaana lagu weeraray Kolanyo ka tirsan  Ciidamo Talyaani ah oo marayay agagaarka Kulliyada Jaale Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in mid kamid ah Gaadiidka ay wateen Ciidamada Talyaaniga lagu weeraray Gaariga qaraxa siday, iyadoona la soo warinayo khasaari ka dhashay weerarkaasi.

Ma jiraan faahfaahin intaasi ka dheer oo laga helayo qaraxa ka dhacay nawaaxiga Kuliyada jaalle siyaad ee Magaalada Muqdisho.