Somali News

Qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Darawal bajaajle ahaa ayaa dhintay halka askari ka tirsanaa ciidamada amaanka uu dhaawacmay, kadib markii Mooto bajaaj ay saaraayeen lagu tuuray bam gacmeed, iyaga oo marayay halka loo yaqaan Shaneemo Cabdiwaayeel oo ka tirsan degmada huriwaa.

Qaraxu markii uu dhacay kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamada amaanka, oo ka qaaday halka ay wax ka dhaceen askarigii dhaawacmay iyo ninkii bajaajlaha ahaa ee geeriyooday.

Halka ay maanta wax ka dhaceen bilawgii bishan, waxaa labo qarax oo is xig-xigay lagula eegtay ciidammo ka tirsanaa AMISOM oo halkaa marayay.