Somali News

Qarax ka dhacay Qeybo ka mid ah G/Sh/Hoose.

Shalambood-KNN-Warar ka imaanaya gobalka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay  Ciidamo ka tirsan AMIOSM oo marayay degaanka shalambood ee gobalkaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsay kolonyo ay la socdeen Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, iyadoona qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xoogan.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro jid gal ah ku qaada Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM xilliyada ay ku safrayaan qeybo ka mid ah wadooyinka gobalka shabeelaha hoose.