Somali News

Qarax ka dhacay Sh.dhexe.

Mahadaay-KNN-Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa qarax miino waxaa lagula eegtay duleedka degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka Buurane ee Duleedka degmada Mahaday.

Ciidamada la qarxiyay ayaa waxaa ay ka yimaadeen Magaalada Jowhar, iyagoona ku sii jeeday degmada Mahadaay ee Gobalkaasi.

Dadka deegaanka ayaa KNN u  sheegay in Khasaaro lixaad leh uu gaaray ciidamada AMISOM ee lagu qarxiyay duleedka Degmada Mahadaay.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay qarax la beegsadeen Ciidamada AMISOM, islamarkaana ma sheegin khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.