Uncategorized

Qarax ka dhacay Waddo Tareen dhulka hoostiisa marta Koonfurta Galbeed ee London + SAWIRO

Muqdisho-KNN-Sdia ay baahiyee Warbaahinta dalka UK Qarax ka dhacay waddo dhulka Hoostiisa ah oo ay Maraan tareenada ayaa sababay khasaaro dhaawacyo ah qaraxaas oo ka dhacay Koofur galbeed ee magaalada London, waxaana deg deg goobta ku gaaray ciidamada booliska iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka.

Booliska ayaa baaraya waxyaabaha qarxa oo aanay geysan waxyeelo aad u weyn, balse dadkii saarnaa tareenka ayaa kala cararay, qaarkood waa ay is buurteen sida ay shaaciyeen Saraakiisha Booliska UK.

Warbaahinta UK ayaa soo tabanaya in dhacdadan ay dhalisay dareen iyo feejignaan ku aadan qatarta kooxaha argagixisada ka imaaneysa Waxaana heegan buuxa la galshay Laamaha amaanka Guud ahaan UK.