Uncategorized

Qarax ka dhacay Yamen oo ay dad ku dhinteen

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday xarumo ay leedahay dowlada Yamen ayaa waxa ku dhintay ugu yaan 5 qof.

Qaraxani ayaa ka dhacay magaalada Cadan oo ku taalla koonfurta dalka Yamen.

Sargaal sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa laga soo xigtay in gaari la qarxiyay ay wateen koox ka tirsan Al Qaacida,balse arrintan lama xaqiijin.

Qaraaxa ka dib ayaa waxa iska horimaad uu ka dhacay dibadda dhismaha .

Waxaa jira warar sheegaya in uu jiro qarax kale oo lala bartilmaameedsaday dhismo ay leeyihiin ciidamada ammaanka magaalada Cadan.

Magaalada Cadan ayaa waxa ay fariisin u tahay dowladda ay caalamka aqoonsan yihiin ee Yamen .

Kooxda Xuutiyiinta ayaa laga saaray magaalada Cadan sanaddii 2015.