Somali News

Qarax Khasaare dhaliyay oo ka dhacay Beladweyne

Beladweyne-KNN-Warar hordhac ah oo laga helay magaalada Beladweyne ayaa sheegaya inuu Qarax ka dhacay Saldhigga magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya nuuca Qaraxa, wararka qaar ayaa sheegaya inuu ahaa miino dhulka la geliyay,Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa isku balaariyay aagga uu Qaraxa ka dhacay.

Ma jirto faah faahin buuxda oo laga haayo Qaraxa dhacay, dad isugu jira shacab iyo Ciidan ayaa la sheegay iney ku waxyeelo ka soo gaartay.

Lasoco wixii ku soo kordha.