Somali News

Qarax khasaare geestay oo ka dhacay degmada Heliwaa

Muqdisho-KNN-Qarax Miino ayaa maanta kadhacay agaga gaarka warshadda Baraafuunka degmada Hiliwaa ee G/Banaadir.

Qaraxa oo lasheegay in uu ahaa Miino nuuca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay goob ay Ciidamada Boolisku boonada Canshuurta ku jaraan.

Dad ka agdhowaa goobta uu qaraxu kadhacay ayaa KNN u sheegay in ilaayo sedax ruux ay ku dhaawacmeen qaraxaasi, labo qof oo kamid ah dadka ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa lasheegay in ay ahaayeen Dad shacab ah, hal qofka kale ee dhaawacmay uu yahay askeri katirsan Ciidamada Booliska ee halkaasi kusugnaa. 

Mudooyinkii danbe waxaa gudaha daafaha magaalada Muqdisho kusoo badanayay qaraxyada Miino ee dhulka lagu aaso, kuwaasi oo wax yeelada ugu badan ay kasoo gaarto dadka shacabka ah.