Somali News

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Muqdisho-KNN-Qarax nuuciisu ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa salaadii Duhur ka hor ee maanta waxa uu ka dhacay agagaarka Jaamacadda Shabeelle ee duleedka Muqdisho.

Qaraxa ayaa haleelay Gaari cabdi-bile ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya kuwaasi oo ku socdaalayay wada xariirisa Muqdisho iyo gobolka Shabeellada Hoose.

Inta la xaqiijiyay labo Askari ayaa ku geeriyootay qaraxa waxaana jira dhaawacyo oo soo gaaray Askartii kale oo aan tiradooda la xaqiijin.

Goobjoogayaa ayaa KNN u sheegay in qaraxa ka dib ay Ciidamadu fureen rasaas mudo socotay wallow aan lasoo sheegin cid wa yeelo ay kasoo gaartay, ciidamada ayaana mudo kooban hakad galiyay dhaq dhaqaaqa wadadaasi.

Wadada xariirisa Muqdisho iyo Shabeellada Hoose ayaa waxaa inta badan qaraxyo lagula beegsadaa  Gaadiidka ay wataan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku safra wadadaas, waxaana xusid mudan in wax yeelo ay ka soo gaarto dadka shacabka ah.